Qaban-qaabadii Ugu Danbeysay Shirka Maamul U Sameynta Jubbooyinka Oo Ka Socota Magaalada Kismaayo.

0

top newsKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in xiligan khilaaf xoogan uu ka taagan dhimaha maamul loo sameeyo gobollada Jubboooyinka iyo Gedo, ayaa haddana dhinaca kale magaalada Kismaayo ee xarunta gobollka Jubbada hoose waxaa ka soconeysa qaban-qaabadii ugu danbeysay shirka maamul u sameynta gobollka Jubbooyinka.

Wararku waxa ay sheegayaan in saacadihii ugu danbeeyay magaalada Kismaayo ay buux dhaafiyeen ergo ka kala socta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, kuwaasoo doonaya in ay ka qeyb-galaan shirka la filayo in labo cisho kadib uu halkaa ka furmo.

Ergada la filayo in ay shirkaasi ka qeyb-gasho ayaa loo qoondeeyay in ay noqdaan ilaa 500 oo ergo ah, iyadoo magaalada Kismaayo ay yeelan doonto 70 xubnood, halka degmooyinka kalana la sheegay in ay ka kala iman doonaan min 25 xubnood.

Ergada ilaa iyo hadda gaartay magaalada Kismaayo waxaa la sii dajiyay dhismaha Jaamacada Kismaayo oo ah goob amaankeeda siweyn loo adkeynayo, iyadoo halkaa laga dhisayo teendhooyin faro badan oo loogu talagalay in ay ergadu ku shiraan.

Wararku waxaa ay intaa ku darrayaan in magaalada Garbahaarey ee gobollka Gedo ku sugan yihiin ergo ka socta shirka maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo Gado oo doonaya in ay maamulka iyo bulshada gobollka ku qanciyaan in ay shirka ka soo qeyb-galaan.

Iyadoo intaa oo qaban-qaabo ah la wado ayaa haddana waxaa muuqata in dowladda Soomaaliya ay ka biyo diidan tahay sida ay wax uga socdaan magaalada Kismayo, islamarkaana uu farqi weyn u dhaxeeya dowladda iyo maamulka KMG ah ee ka dhisan Kismaayo kaa oo uu horkacayo Horjoogaha jbahada Raaskambooni Axmed Madoobe.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com