Falaagada Al Shabaab Iyo Qoysas Kenyaati Ah Oo Wada Hadal Hoose Ubilowday.

0

alshababNairobi (AGGM):Qoysaska shan Kenyaan ah oo gacanta ugu jira falaagada Al-Shabaab,ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay kula hadlayaan Al-shabaab oo ku aadan wiilashooda oo gacanta ugu jira falaagada Al Shabaab, islamarkaana la kulmaya baqdin dhanka nolosha,maadaama horay falaagada Al-Shabaab hanjabaad u jeediyeen.

Wargeysyada ka soo baxa dalka Kenya ayaa si weyn wax ugu qorayay warkaan oo ku aadan in qoysaska shan Kenyaan oo falaagada Al Shabaab haystaan ay damacsan yihiin inay wada hadal la furtaan Al-shabaab si ay u xaqiijiyaan siideynta wiilashooda oo falaagada Al Shabaab in mudo ah gacanta ugu jira.Wargeyska The Star oo soo xiganaya Andrew Mwangura oo xoghayaha guud ee Midowga maaxiyiinta Kenya,ayaa xaqiijiyay arintaan ku aadan inay jiraan qoysas Kenyaanti ah inay damacsan yihiin inay la xaajoodaan falaagada Al Shabaab, maadaama dowlada Kenya dalabaad loo jeediyay ay fuliweysay.

Lama oga qaabka uu u dhacayo wada xaajoodka dhexmari doona falaagada Shabaab iyo qoysaska Kenya iyo wuxuu soo kordhin doono.

Hadalkaan ka soo baxay qoysaska Kenyaatiga ee caruurtooda falaagada Al Shabaab ay haystaan ayaa ku soo aadayaa,iyadoo maalin kahor ay ku ekeyd dalabaadkii shabaab ay u jeediyeen Kenya,balse aan waxba kasoo naasa cadaan oo kenya ay ku kacan seertay.

Falaagada Al Shabaab ayaa horay markii dalabaadkii ay u dirsadeen Kenya ay ka waayeen waxay qaarijiyeen sida ay sheegeen askari ka tirsan Kenya,kaasi oo dagaal ay ku soo furtaan,balse dowlada Kenya arintaasi ay beenisay islamarkaana Afduub shabaab ay u soo qabsadeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com