Taliyaha Ciidamada XDS S/Gaas C/qaadir Sh.Cali Diini Oo Ka Warbixiyay Halka Ay Marayaan Howlgalada Ay Wadaan CXDS.

0

diiniBaydhabo (AGGM): Taliyaha ciidamada XDS S/Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan howlgallada ay ciidamadu dalka kaga xoreynayaan malleeshiyaadka argagixisada ah ee Shabaab.

Sarreeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini oo howl shaqo u jooga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegay in guulaha ay ka gaareen ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed howlgallada ay ka wadaan gobollada dalka in yihiin kuwi qorshaha ugu jiray, isla markaana ay sii socon doono si dalka oo dhan loogu soo celiyo amni.

SIdoo kale taliyaha ciidammada Xoogga dalka ayaa ka hadlay halka uu marayo qorshaha dib loogu hagaajinayo xeryaha ciidammada ee ku yaalla caasimadda, isagoo tilmaamay in dowladda ay ka go’antahay in dib loo dayactiro dhammaan xeryaha ciidammada ee ku kala yaalla gobollada waddanka oo idil, isla markaana uu rajeynayo in lagu guuleysto.

Taliyaha ciidamada XDS C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa mar kale ugu baaqay dhallinyarada haraadiga ku ah malleeshiyaadka Al-Shabaab in ay isaga soo laabtaan go’doonka ay galeen kooxahaasu dhagar qabayaasha ah, isagoo intaa ku daray in dowladda ay fursad u siineyso in hadii ay ka faa’ideystaan la soo dhaweyndoono.

Hadalka Taliyaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa soo baxay iyadoo ay meel  sare marayaan qorshayaha ciidammada lagu dhisayo, xeryahoodana lagu hagaajinayo, si  loo sii xoojiyo howlgalada ciidammadu ay ka wadaan deegaannada kooban ee ay Al-Shabaab ku dhuumaleysanayaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud media
allgalgaduud@gmail.com