Taliyaha AMISOM Ee Bartamaha Soomaaliya Col. Cusmaan Dubad Oo Sheegay Inay Ciidamo Dhawaan Geynayaan Gobolka Galguduud.

0

cusmaan dubadBaladweeyne (AGGM):Dhowaan ayay ahayd marki ay Maamulka Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Galgaduud iyo maamulka Ahlu Sunna Waljaamaca ay dalbadeen in ciidamo  ka  socda AMISOM la geeyo deegaanada Gobalka  Galgaduud  ee Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa arintaasi  ka jawaabey Taliska ciidamada AMISOM.

Taliyaha  ciidamada AMISOM ee Bartmaha Soomaaliya Cusman Dubad oo la hadley Warbaahinta Magaalada Baladweyne ayaa waxaa uu  sheegay in si deg deg ah ay  uga  jawaabayaan Hadal kasoo yeeray Ahlu Sunna oo ahaa in ciidamo ka socda AMISOM la geeyo Gobalka Galgaduud.

Taliyaha ayaa  waxaa uu sheegay in ciidamada  AMISOM  ay guul  u  tahay in  howlgalkooda ay ku balaariyaan guud ahaanba dalka Soomaaliya si buu  yiri loo wiiqo  awooda Kooxda Shabaab ee Soomaaliya oo  meelo ka mid ah Gobalka Heysta. Waxaa uu tilmaamay Cusmaan Dubad in  dhowaan uu kulamo kula qaatay magaalada Baladweyne  Masuuliyiin ka  tirsan Ahlu Sunna  Iyo Dowladda Soomaaliya  ay isku af garteen in  ciidamo AMISOM ah la geeyo Gobalkaasi,isagoona  balanqaadey in dhowaan codsigaasi  ay aq  balayaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com