War Deg Deg Ah: Qarax Lalla Eegtay Askar Katirsan Ciidamada Dowladda Oo Ka Dhacay Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho.

0

breaking newsMuqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in uu halkaasi kadhacay qarax Bambaano ah.

Qaraxaan ayaa sida lasheegay lagu weeraray  askar katrisan ciidamada dowladda Soomaaliya oo kusugnaa suuqa gaar ahana qeybta Qudaarta Kooxo aan lagaraneyn ay askarta dowladda kutuureen Bambaano .

Qaraxa kadib waxaa goobtaasi soo buux dhaafiyay Askar katirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo halkaasi ganacsigii ka jiray Mudo daqiiqado ah hakad galiyay baaritaanana ka sameeyay inkastoo aan la ogeyn in ee dad kusoo qabteen iyo inn kale.

Ugu danbeyntii Qaraxyadaan lagu weeraro ciidamada dowladda ee loo adeegsado bambada gacanta laga tuuro ayaa kusoo badaanaye suuqa weyn ee bakaaraha ayadoo khasaaraha ugu badan kasoo gaaro shacabka halkaasi kudhaqan wallow Ciidamada dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo xoogan oo Looga hortagaayo kooxaha doonaya inay amniga qal qal galiyaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud media
allgalgaduud@gmail.com