Falaagada Al Shabaab Oo Shir Odoyaasha Lagu Qasbay Ka Dhinac Furay Shirka Ka Furmaya Magaalada Kismaayo.

0

shabaab shirMareerey (AGGM): Wararka naga soo gaaraya deegaanka Mareeray ayaa waxa ay sheegayaan in falaagada Al Shabaab shir uga Fureen Odayaal dhaqan oo qasab lagu soo aruuriyay.

Odayaasha Deegaanada ayaa waxaa laga soo aruuriyay deegaanada ay falaagada Al Shabaab Maamulaan unna badan gobolka Jubbada Dhexe.

Shirkaasi oo la sheegay in uu Soconayo 3-Maalmood ayaa la sheegay in Ujeedkiisu yahay sidii odayaasha looga Mashquulin lahaa Shirwaynaha Jubbaland Satate oo dhawaan Furmaya.

In kastoo aan Xog dheeraad ah laga heli karin shirkan haddana waxa la sheegayaa in Shirkaani uu u badnaan doono Wacdi iyo Cashro Diini ah in hase ahaatee aanay ka maqnayn in odayaasha looga digo Shirka Kismaayo.

Falaagada Al Shabaab ayaa ka walaacsan Shirwaynaha Maamul Goboleedka Jubooyinka oo wiiqaysa Awoodooda Ciidan, dhaqaale iyo midooda siyaasadeedba.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com