Ciidamada Dowladda Soomaaliya Iyo AMISOM Oo La Wareegay Gacan Ku Haynta Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar.

0

garoonkaJowhar (AGGM): Ciidamada dowladda oo gacan militari ay siinayaan kuwa midowgga Africa AMISOM ayaa lagu waramayaa in ay la wareegeen deegaanno dhinaca W/qooyi kaga beegan magaalada Jowhar ee xarunta gobollka Sh/hoose.

Saraakiil u hadashay ciidamada dowladda iyo kuwa midowgga Africa AMISOM ayaa warbaahinta u sheegay in tani ay qayb ka tahay howgallo ay ku doonayaan inay kula wareegaan deegaannada ku jira gacanta Al-shabaab ee ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe.

“Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika oo iskaashanaya ayaa la wareegay deegaanno uu ku jiro garoonka diyaaradaha ee Jowhar, waxaana socda qorsheyaal la doonayo in lagu gaaro Mahadaay,” ayaa laga soo xigtay saraakiil u hadlay dowladda iyo

Ciidamada isbaheysanaya ayaa horay waxaa ay ula wareegeen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, oo fariisin muhiim ah u aheyd dagaalyahannada Al-shabaab oo mudo dheerna maamulayay.

Garoonka ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa midowgga Africa AMISOMuxuu degmada Jowhar kaga beegan yahay dhinaca waqooyi qiyaastii 17-km, iyadoo sidoo kalena ay degmada Mahadaay u jirto Jowhar 30-km oo dhinaca waqooyi ah.

Mas’uuliyiinta maamulka gobollka Sh/dhexe ayaa sheegay in tan tahay talaabo ay doonayaan in ay kula wareegaan dhamaan deegaannad ku yaala gobollka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com