Ciidamada Amaanka Magaalada Kismaayo Oo Howlgal Ay Sameeyeen Ku Soo Qab-qabtay Dad.

0

KISMAAYOKismaayo (AGGM): Ciidamada maamulka ku-meel-gaarka ah ee magaalada Kismaayo ayaa howlgal ay ka sameeyeen xaafaddaha magaalada saacadihii aynu soo dhaafnay waxaa ay ku soo qab qabteen ama ku soo xir xireen dad la tuhsan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Max’uud Khaalid oo ah taliyaha ciidamada magaalada Kismaayo oo warbaahinta la hadllyay ayaa sheegay in howlgallo ay xalay ka sameeyeen xaafadda Guul-wade ee magaalada Kismaayo ay ku soo qabteen ilaa sedex nin oo hubeysan.

Masuulkani ayaa sheegay in ragga ay soo qabteen ay ka tirsanyihiin Al-shabaab islamarkaasina ay qeyb ka ahaayeen falalka amni darro ee ka dhaca magaalada, waxaana ragaasi la dhigay saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo bartamaheed waxaa labo cisho ka hor lagu dillay macalin weyn looga garanayay magaalada kaasoo la sheegay in uu geystay askari ka tirsanaa maamulka magaalada Kismaayo, inkastoo mas’uuliyiinta maamulka ku eedeeyeen dilkaas Al-shabaab.

Sidoo kale, shalay galinkii danbe waxaa magaalada lagu dillay mid ka mid ah ciidamada maamulka magaalada Kismaayo iyadoona aan ilaa imika la garanayn cidda ka danbeeysay dilkiisa.

Arrimahan oo dhan ayaa qeyb ka ah falalka amaan darro ee ka jira magaalada Kismaayo, inkastoo haddana marka aad dhinaca kale eegto ku adkeysanayaan saraakiisha ciidamada dowladda ee halkaa jooga in magaaladu amaan tahay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com