Wiilal Dhalinyarro Ah Oo Ka Tirsanaa Falaagada Al Shabaab Oo Isu Soo Dhiibay Maamulka Dowladda Ee Magaalada Baladweyne.*Daawo Sawirada*

0

hir2Baladweeyne (AGGM): Saraakiisha booliiska magaalada Baladweyne ayaa maanta u soo bandhiga warbaahinta sadax dhalinyarro ah oo sida ay sheegeen horay uga tirsanaa dagaalyannada kooxda Al-shabaab.

Taliyaha saldhiga booliiska magaalada Baladweyne Col Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo warbaahinta u soo bandhiga dhalinyarrada ayaa sheegay in raggan horay horay uga tirsanaayeen Al-shabaab, laakiin markii danbe iskooda u go’aansadeen in ay isaga soo haraan.

‘’Raggan aad arkeysaan mudo dheer ayaan ka tirsanaayeen Al-shabaab, waa dhalinyarro si qaladan wax looga sheegay, laakiin hadda waxaa ay go’aan sadeen in ay isaga soo haraan kooxda, kadib markii ay ogaadeen dhibaatada bulshada ku hayaan,’’ ayuu yiri Col Cali Dhuux.

Mid ka mid ah ragga la soo bandhiga maanta ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahau ugu danbeytii in uu isaga soo haray Al-shabaab oo sida uu sheegay uu ka tirsanaa mudo sagaal bilood, isaga oo intaa ku darray in uu ka qeyb-galay dagaalo badan oo ay kooxdu gashay.

‘’Anniga mudo mudo sagaal bilod ah ayaan ka mid ahaa kooxda Al-shabaab, waxaan ka soo qeyb-qaatay dagaalo badan, gaar ahaan waxaa ka dagaallamay Galguduud,’’ ayuu yiri.

Taliyaha saldhiga booliiska magaalada Baladweyne ayaa ugu baaqay dhamaan dhalinyarrada ka tirsan Al-shabaab in ay isaga oo haraan, kuwna soo biiraan nidaam-ka dowlada oo sida uu sheegay in ay ka dhax heli doonaan wax kasta oo ay u baahan yihiin.

hir

hir2

hir1

hir4

hir3
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com