Munaasabad Balaaran Oo Lagu Sagootinayey Wafdiga Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Caawa Ka Dhacday Magaalada Jigjiga.*Daawo Sawirada*

0

jig10Jigjiga (AGGM): Waxaa caawa magaalada Jig jiga ka dhacday Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay islamarkaana lagu sagootinayey wafdiga balaaran ee uu hogaaminayay Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maalmahan booqasho ku joogay magaalada.

Xafladan ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Dowladda Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo uu hogaaminayey Madaxweynaha Dowladda deegaanka Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, golaha wasiirradiisa, maareeyeyaasha iyo Agaasimayaasha maamulka,wafdiga gudoomiyaha Baarlamaanka,waxgarad,odayaal,haween,dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada .

Ugu horeyn waxa ay ku bilaabatay casho sharaf si heer sare ah loosoo agaasimay ayadoo goob barxad ahna ay ku wada casheeyeen mas’uuliyiinta iyo bulshadii kala duwaneyd ee munaasabadda kasoo qeybgashay waxaana Munaasabadda kadib bilowday ciyaarro Hidaha iyo Dhaqanka kuwaasi oo ay si aad ah u jecleysteen dadweynihii kasoo qeybgalay Munaasabadda ayadoo mas’uuliyiin iyo shacabba si isku mid ah u ciyaarayey ciyaarta Dhaantada loo yaqaan.

Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay Munaasabadda ayaa ku amaantay dadweynaha iyo madaxda Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia mudada kooban ee ay jiraan hormarka ay deegaanka gaarsiiyeen ayadoo hormarkaasina uu yahay mid hada ka muuqda dhulka dowlad deegaanka Jigjigaba ha ugu horeysee.

Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo isna Munaasabadda Khudbad ka jeediyey ayaa waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay hormarka ka jirta dhulka ismaamulka dowladda deegaanka Soomaaliyeed waxaana uu booriyey in hormarkan lasii wado.

jig10

jig2

jig12

jig11

jig13

jig14

jig14

jig16

jig18

jig20

jig3

jig5

jig21

jig9

jig7

jig19

jig23

jig24

jig25

jig26

jig27

jig28

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com