Falaagada Al Shabaab Oo Ku Hanjabtay Inay Wax Walba Isku Hortaagayaan Inaan La Yagleelin Maamul Goboleedka Jubbaland.

0

alshababMuqdisho (AGGM):Horjoogaha Falaagada Al shabaab ee gobolada Jubooyinka C/raxmaan Xudeyfa ayaa waxa uusheegay inay wax walba oo ay  isku hortaagi karaan ku samayn doonaan Yagleelida Maamulka Jubbaland oo qabanqaabadiisa ay ka socoto magaalada xeebta ah ee Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

C/raxmaan Xudeyfa ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in falaagada Al shabaab ay ka go’antahay iney ka hor yimaadaan maamul goboleedka Jubbaland,wuxuuna ku tilmaamay dadka ku hawlan arintaas iney riyo kujiraan isla markaana ay marin habaabinayaa bulshada ku dhaqan gobolada Jubbooyinka oo uu sheegay iney xoog ku haystaa ciidamada Kenya.

Xudeyfa ayaa waxa kale oo uu sheegay in Kenya iyo maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo ay iska horkeenaan qabaa’ilka wada dega gobolada Jubbooyinka.

Horjoogaha falaagada Al Shabaab ee gobolada Jubbooyinka oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu sheegay in falaagada Al Shabaab ay weeraro culus ku qaadi doonaan ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom si ay dib gacanta ugu dhigaan magaalada Kismaayo.

Falaagada Al Shabaabku ayaa waxa ay heli jireen magaalada Kismaayo dhaqaalo badan oo ay u adeegsan jireen dagaalada ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

Gabagabadi Horjooge C/raxmaan Xudeyfa ayaa waxa uu sheegay ujeedka maamulka goboleedka loo doonayo in loo dhiso uu yahay oo kaliya in dhaqaale looga raadsado caalamka,wuxuuna sheegay in inta ay Al Shababa joogaan cariga Soomaaliya ay tahay riyo in maamul goboleedka Jubbaland uu dhismo.

Isku soo wada duub oo yagleelida maamul goboleedka Jubbaland ayaa waxaa loo balansan yahay dabayaaqada bishan aanu ku jirno.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com