Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Horyaalka Spain Ee La Liga Ee Kooxaha Real Madrid VS Rayo Vallecano.

0

la ligaKulanka: Real Madrid v Rayo Vallecano

Garoonka: Santiago Bernabeu

Waqtiga: 11pm SGA

spa

Seddexda ciyaaryahan ee Real Madrid Alvaro Arbeloa, Luka Modric iyo Gonzalo Higuain ayaa seegi doona kulanka caawa ay la ciyaarayaan Rayo Vallecano madaama ay dhaawac ku maqan yihiin.

Xabi Alonso iyo Ozil ay dhaawacyo qabaan, Iker Casillas ayaa isna weli dhaawac muddo la maqan, halka Pepe, Kaka iyo Jose Callejon laga yaabo in dhamaantood lagu soo bilaabo.

Weeraryahanka kooxda Rayo Vallecano Leo Baptistao ayaa la filayaa inuu ciyaaro inkastoo dhaawac uu ka soo gaaray canqowga tababarkii khamiista.

Daafaca Tito ayaa isna ganaax ka soo laabanaya, halka tababare Paco Jemez ay u bilaabaneyso ganaax labo kulan ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com