Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Lagu Dibadbaxay Xili Uu Ka Khudbeynayey Aqalka Chatham House Ee Magaalada London.

0

mudaharaadLondon (AGGM): Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xalay khudbad dheer ka jeediyey xarunta Cilmi baarista dalka Ingiriiska ee loo yaqaano Chatham house oo ku taala magaalada London.

Intii ay socotay khudbada madaxweynaha ayaa waxaa aqalka Chatham house isugu baxay dad aan sidaa u badneyn oo Soomaali ah, kuwaasoo halkaas ka dhigayey dibed bax looga soo horjeedo madaxweynaha.

Dadka dibad baxayaasha oo watay boorar kala duwan, ayaa ku qeylinayey ereyo ay uga soo horjeedaan madaxweynaha Somalia oo ay ku eedeeyeen inuu talada dowlada keligiis maroorsaday, iyagoo tusaale u soo qaatay sababta uu isaga kaliya safarada dibeda u galo oo loo arki waayey raisul wasaaraha iyo gudoomiyaha baarlamanka.

“Dibed-baxeenu waa mid aanu ku muujinayno sida aanu uga walwalsan sanahay habka uu madaxweynuhu wax u maamulayo, madaxweynuhu wuxuuu la wareegay awooddii maamul ee ra’iisul wasaaraha” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah dadkii dibed baxa dhigayey.

“Waan ku faraxsanahay inaan arko dad Soomaailyeed oo si nabadeed ku muujinaya cabasho ay qabaan, aniga iyo raisul wasaaraha waxaan ku heshiinay inaan si wadajir ah ugu shaqeyno dalka iyo dadka, mana lihi awood ka baxsan mida uu dastuurku i siiyey, mana lahaan karo” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay dibad baxa lagu sameeyay.

Raisul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaan safar dibeda ah u bixin shirar caalami ahna ka qeyb gelin tan iyo markii la magacaabay ku dhowaad 3 bilood ka hor, taasoo shaki gelisay dad badan, sababo kala duwan oo mala awaal ahna lagu sheegay, hase ahaatee raisul wasaare Saacid ayaa markii ay badatay xantaas sheegay xili uu shir jaraaid qabanayey inuu go’aansaday safar dibeda ah inaanu gelin inta uu ka soo bandhigayo waxqabadka xukuumadiisa ee 100-ka maalin ee ugu horeeya oo hadda maalmo kooban ay ka dhiman yihiin.

R/wasaaraha maxuu u safri waayay amaba shirarka caalamiga ah uga qayb gali waayay iwm, Arimahaas oo dhan ayaa ah kuwo fadhi ku dirirka looga sheekeeyo oo ay dad gaar ah ka leeyihiin ujeedooyin iyo dano ay doonayaan inay ku fushadaan danahooda gaarka ah, balse xaqiiqdu sidaa waa ay ka fog tahay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa khudbada uu ka jeediyey aqalka Chatham house waxaa uga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin, dastuurka iyo federaalka, xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya iyo dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed soo maray xiligii colaadaha ku jireen, dalka sida barakaca gudaha, Qaxootiga ku nool dalalka dariska ah iyo dagaalada lagula jiro Al-shabaab.

Isku soo wada duub oo waxaad barato waa baaskaaye dadkan dibad baxayay ayaa waxa ay barteen Madaxweeyne, R/wasaare iyo Raiisul Baarlamaan u kala tartama safarada dalka dibadiisa ah, waxaa kale oo aysanba ilaa hadda fahmin dowladdan hadda ka jirta dalka Soomaaliya inaysan ahayn mid KMG ah islamarkaana uu dhamaaday waqtigii loo xusul duubayay qabiilka iyo qabyaalada amaba sadbursiga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com