Gudoomiye Tarsan "Dhawaan Waxaan Xiri Doonaa Hoteelo Iyo Maqaayado Ku Yaala Magaalada Muqdisho" Maxay Tahay Sababta?

0

tarsanMuqdisho (AGGM):Duqa Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in goor dhaw ay xiri doonaan maqaayado badan oo ku yaala Magaalada Muqdisho iyo weliba Hoteelada qaarkood, sida uu sheegay.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maqaaxiyadaha ku yaala Magaalada Muqdisho, ay qaarkood yihiin kuwo ay ka jirto nadaafad daro.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay inay sameynayaan rag u gaar ah oo ka hawl gala Magaalada Muqdisho, kuwaa oo uu sheegay inay qiimeyn doonaan Hoteelada iyo maqaaxiyada qaar, ee Magaalada Muqdisho ku yaala.

Maqaaxi iyo Hoteel walba oo nadaafad daro ay ka jirto, ayaa wuxuu sheegay inay ilbaabada ay isugu laabi doonaan, si loo helo buu yiri maqaaxiyooyin iyo Hoteelo fiican, oo cunto nadiif ah laga helo.

Tarsan ayaa wuxuu ku goodiyay inay sii wadi doonaan hawl galada ay ku kontoroolayaan nadaafada cuntooyinka laga cuno maqaaxiyooyinka iyo Hoteelada qaar ee Magaalada Muqdisho ku yaala.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com