Dowladda Soomaaliya Iyo Midowga Yurub Oo Kulan Ku Yeeshay Magaalada Muqdisho.

0

9F09733A-0513-4ED9-8DE9-BF0125EF1A42_w268_r1_cx0_cy2_cw0Muqdisho (AGGM): Wasaarada adeegga bulshada xukuumada Soomaaliya ayaa maanta kulan magaalada Muqdisho kula yeelatay masuuliyiin ka socda ururka midowga Yurub waxaana la iskula qaadaa dhigay kulanka maanta sidii loo hormarin lahaa waxbarashada wadanka Soomaaliya iyo nidaaminta Manaahijta waxbarashada dalka oo lumay kadib burburkii dalka Soomaaliya 1991-kii.

Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirada adeegga bulshada Maryam Qaasim,Wufuud ka socotay Midowga Yurub,Dalladaha waxbarashada dalka iyo qubaro waxbarasho oo Soomaali ah waxaana kulanka ugu horeyn ka hadlay wasiirada adeegga bulshada xukuumada Soomaaliya Drs Maryam Qaasim waxayna sheegtay in midowga Yurub uu Malaayiin lacagta Yuurooga ah ay ugu deeqeen horu marinta  Tacliinta Soomaaliya.

Drs Maryam ayaa sheegtay in 2.2 Milyan oo Yuuroo lagu bixin doono Cilmi baarista waxbarashada wadanka Soomaaliya halka 2 Milyan oo Yuuroone lagu bixin doono mideynta Manaahijta wadanka Soomaaliya oo aan xiligan lahayn hal Minhaj oo kaliya kadib markii uu meesha ka baxay Manhajkii uu lahaa qaranka Soomaaliya kadib dagaaladii sokeeye.

Wasiirada ayaa sidoo kale sheegtay in  barnaamijyo gaar ah loo diyaarinayo  dadka dhaafay xiligii waxbarashada kuwaas oo ay Maryam Qaasim ay sheegtay in loo furi doono dugsiyo ay ku bartaan farsamada gacanta iyo xirfado kale oo wax ku ool u ah dalka Soomaaliya iyadoona tilmaantay in wasaarada adeegga bulshada ay ka go’antahay sare u qaadista heerka aqooneed ee bulshada Soomaaliyeed si loo helo aqoonyahano waxbartay,iyadoona ballan qaaday in dhawaan la hirgalin doono dugsiyo  lacag la’aan ah oo wax lagu baro ubadka Soomaaliyeed.

Masuuliyiintii ka socday midowga Yurub ayaa iyagune dhankooda ballan qaaday iney garan taagnaan doonaan shacabka Soomaaliyeed waxayna ku dhawaaqeen  iney malaayiin Yuuroo ay ku bixin doonaan horu marinta tacliinta dalka Soomaaliya si ay umada Soomaaliyeed uga baxaan Jahliga daashaday.

Kadib dagaaladii ahliga ahaa ee soo maray dalka Soomaaliya ayaa waxaa lumay gabi ahaanba Manhajkii uu dalku lahaa waxaana xasuus mudan in maanta dugsiyada wax lagu baro umadka Soomaaliyeed lagu dhigo Manaahij laga soo min guuriyey wadamo shisheeye kuwaas oo aan buuxin karin baahida tacliinta ay u baahanyihiin umada Soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com